Taariikh Nololeedkii Marxuum S.Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi".

0
Wednesday August 31, 2016 - 15:27:33 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 7559
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Marxuum S.Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi".

    S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi"wuxuu ciidanka XDS ku soo biiray Sannadkii 1960kii oo ah markii la asaasay XDS waxaa waxbarasho loogu diray Kulliyadda Ciidammada ee dalka Masar. Sidoo kale wuxuu Dugsiga Abbanduulka (Staff College

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi"wuxuu ciidanka XDS ku soo biiray Sannadkii 1960kii oo ah markii la asaasay XDS waxaa waxbarasho loogu diray Kulliyadda Ciidammada ee dalka Masar. Sidoo kale wuxuu Dugsiga Abbanduulka (Staff College) iyo Dugsiga Dagaalka (War College) kaga soo qalin jebiyay dalkii lagu magcaabi jiray Midowga Sofiyeeti.

Sarreeye Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” waxa uu Wasaaraddii Gashaandhigga & Taliskii Ciidanka X.D.S ka soo qabtay jagooyin muhiim ah oo ay ka mid ahayeen Taliyaha Ururkii Tangiyada Cadadleey ee Gobolka (Waqooyi Galbeed),

Taliyaha Ururkii 8aad ee Taangiyada (Xamar),waxa uu noqday U Qaybsanaha Arrimaha Ciidammada ee Safaaradii Somaaliyeed ee Moskoow (Soviet Union),

Taliyaha Qaybtii 60aad ee Ciidanka X.D.S Baydhaba, Madaxa Hoggankii Xiriirka Dibedda Ciidanka X.D.S U Qaybsanaha Arrimaha Cidammada Safaaradii Somaaliyeed ee Dalka Sacuudi Carebiya, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Gashaandhigga J.D.S iyo jagooyin kale oo badan ee muhiim ahaa.

Maalintii Waxa uu ku geeriyooday Magaalada Rotterdam ee dalka Holland 23kii Maarso 2012da Ilaahay naxaristii janno ha ka warabiyee S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” waxa uu xubin sharafleh ka ahaa Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed.

 

Geerida Janaraalka waxaa ka tacsiyeeyay xilligaasi Sarakiil uu hoggaminayay Alaha U naxariistee Sarreeye GuudMaxamed Cali Samantar & Guud ahaan Talisyadii Guud ee Ciidammadii Qalabka Siday ee Somaaliya iyo gaar ahaan Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka tiranyeeysan geerida ku timid Alle ha u naxaristee S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi "Bagadi” oo ku ku geeriyooday Dalka Hollandwaxa ayna dhammaan sareeyayaasha iyo saraakiika Ciidanka X.D.S. ay tacsi u direen Marwadii uu ka geeriyooday, caruurtiisa, qaraabadii iyo asxabtii uu ka baxay iyo guud ahaan Ummadda Somaaliyeed meel ay joogaanba.

Waxa ayna Ilaahey uga baryeen inuu jannadii fardoowsa ka waraabiyo, dhammaanna uu samir & imaan Ilaahay naga wada siiyo. Amiin!!!!

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip