
Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Wadanka Tanzania.
Dalka Tanzania waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamada Kenya, Uganda, Burundi Rwanda, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Koongo, Zambia, Malawi iyo Musanbiig waxaana dhanka koofureed ka saaran bad weynta Hindiya.
Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Dodomo
magaalada wadanka ugu weynse waaa Daara Salaam calanka wadankana waxaa uu ka
kooban yahay midabada Cagaar, Jaalle ama hurdi Madow iyo buluug.
Tiradda dadka Tanzania u dhashay waxaa lagu
qiyaasaa ku dhawaad 48 million oo qofinta da’dooda ay 15 sanno ka yar tahayna
waxay bulshada wadankaas ka yihiin 44%, sidoo kalena in ka badan 70% dadka
wadankaasi waa dad miyiga ku nool.
Lacagta wadanka laga isticmaalana waxaa la
yiraahdaa Tanzanian Shilling.
Dalka waxa uu madaxbanaanidiisa ka qaatay 9
bishii December sanadkii 1961 waxaa uu la midoobay dalkii Zanzibar la
oran jiray 10 December sanadkii 1963 luuqada rasmiga ah ee dalkaan looga
hadlana waa Sawaxilli luuqada labaadna waa Af-Ingiriis.
Dalka Tanzania oo ka mid ah wadamada Africa
ee harooyinka waa weyn waxaa sidoo kale ku taala buurta Kiliminjaro oo ah
buurta Africa ugu dheer gaadiidkuna waxay isku dhaafaan marka wadankaan la
joogo dhanka bidix.
Markii ugu horeysay dalkaan waxaa qabsaday
Jarmalkii hore qarnigii 19,aad oo Ingiriiska ku wareejiyay intii uu socday
dagaalkii labaad.
Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca
Tanzania uu ku yimid markii ay midoobeen labadii dale ee lakala oran jiray
Tanganyika and Zanzibar.
Dhaqaalo ahaan waxaa lagu tilmaamaa dalkaan
inuu ka mid yahay wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay dunnida oo dhan
waxaa uu ka yahay wadanka 23,aad.
Meelaha ugu badan ee dawladu dhaqaalaha kasoo
galena waxaa ka mid ah dalxiiska waxaana hel cel celius ahaan sanadkii dalxiis
u taga dalkaas in ka badan hal milyan oo qof.
Dhanka Isgaarsiinta haddii aanu eegnana
dalkaan waxaa ku taala in ka badan 50 shirkadood oo dhanka isgaarsiinta 12%
dadka wadankaas udhashayna waxay si joogto ah u adeegsadaan internet.
Dhaqan ahaan dadka Tanzania waxaa uu ay la
mid yihiin dadka dega bariga Africa waxaana qawmiyada ugu badan dalkaas la yiraahdaa
Xadzaa oo u dhaqan eg Masayda Kenya degta.
Dad asal ahaan kasoo jeedaa wadamada Carabta,
Pakistan, Hindiya Shiinaha iyo meelo Yurub ka mid ah ayaa dalkaan ku nool
kuwaasoo dalkaas looga yaqaan Shiraasiyiin.
Kumanaan ruux oo Carab ah ayaa lagu dilay
dalka Tanzania intii uu socday kacdoonkii Zanzibar 1964 illaa 1994.
Dadka jirkoodu casaanka yahay ee Albinooska
la yiraahdo aad baa loogu dhibaateeyaa wadankaas oo marka la arko lama daayo
illaa nafta laga qaado.
Xagga diimaha Muslimiinta
ayaa ah dadka ugu badan ee dalkaan waxaana ay bulshada wadankaasi ka yihiin 35%
waxaana dalkaan ku yaala masjidka 2,aad ee Africa ugu weyn kaasi oo uu dhisay
M/weyihiin la diley ee Libya Mucamar Al-Qadafi waxaana markiiba ku tukan kara
3,000 oo ruux.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO warbixin
ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay in dalkaan dadkii ay 3% qabaan firuska
dhaliya AIDS halka qaba xanuunka malariyadana ay gaarayaan 5%.
Cunnada ugu badan ee dalka laga cuno waxaa la
yiraahdaa Ugali oo ah soor la adkeeyay hilbaha xoolaha sida lo’da , ariga iyo
dalagyada la beerto ee ay ka mid yihiin digirta, masagada iyo galayda kaluunka
iyo qudaarta.
Kubbadda cagta ayaa ka mid ah cayaaraha loogu
jecelyahay dalkaas xulka qaranka wadankaasna waligood koob adduun iyo kan Africa
inta ma aysan qaadin.
Cayaaraha kubbadda koleyga, feerka orodada
iyo Rugbiga ayaana ka mid ah cayaaraha dalkaasi loogu jecelyahay.
Waxaa Diyaariyay Cumar Maxamed Kulmiye
Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Wadanka Tanzania.
Dalka Tanzania oo loo yaqaan jamhuuriyada midowday ee Tanzania waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaca bariga qaaradaan Africa.