Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto C/Laahi Ahmed Ceynte ayaa Goobta ka Aqriyay Digreetadii dhawaan uu ku dalacsiiyay gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo kan darajada koobaad ciidamada
‘’’Heer number 34 soo baxay taariikhda 4tii Bishii 5 aad u jeedadeedu tahay dalacsiin abaal marin Madaxweynaha jamuuriyada fadareelka Soomaaliya markuu arkey qodobka 87 farqada koobaad xarafkiisu A iyo farqada labaad ee Dastuurka ku meel gaarka ah jamuuriyada fadareelka soomaaliya markuu arkey qodobka 90 xarafka Ba ee Dastuurka ku meel gaarka ah jamuuriyada fadareelka soomaaliya laga bilaabo markuu madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa saraakiisha hoos magaca coda ku qoran loo dalacsiiyay sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay Darajada S/Guuto Gaashaale Dhaxe Xasan Ali nuur shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’’
Sidoo kale waxaa Warbaahinta la Hadley markii loo Xarey darajooyinka Ciidanka S/Guuto Libaan Ali yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Ali nuur shuute ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha adag ay u hayaan dalka waxa ay na balan qaadeen in dalkooda ay ugu shaqeyn doonaan si daacad nimo ah
‘’waxaa maanta ku faraxsan nahney darajooyinka uu dhawaan madaxweynaha na dalacsiiyay waana dareemi kartaa qofka markii xil qabto howsha adage e u taala ay tahay cadaalada waxaana ka shaqeyneynaa cadaalada’’
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud ayaa ka codsatey Saraakiilsha sare ee Maxakamada ciidamada qalabka sida uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan Cadaalada
‘’’Waxaa sharaf gaar ah inoo ah anigoo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Soomaaliya in aan maanta darajooyinka ciidan aan ugu xerno dugsiga Generaal Kaahiye Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koobaad ciidamada qalabka sida uu dhawaan madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya uu dalacsiiyay waxaana ka codsanayaa in ay halkooda ka sii wadaan howsha adag ay u hayaan bulshada iyo qaranka ‘’’’
Dhawaan ayay eheed markii digreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Mudane Xasan sheikh Maxamuud lagu dalacsiiyay saraakiisha sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida iyadoona maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ka shaqeysey calaada waxa ayna xukuno kala duwan ay ku ridey rag ka tirsan Kooxda al-shabaab
S/Guuto Libaan Ali yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur shuute oo loo xerey Darajooyinka ciidanka +Sawirro
Munaasabadaan oo uu soo qaban qaabiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa darajooyinka ciidanka loogu xerayay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Gudoomiyaha darajada koobaad ee ciidamada qalabka sidawaxaana lagu qab