TALIYAHA CIIDANKA XOOGA DALKA OO BALAN QAADEY IN KOOXDA HORSEED LOO KEENI DOONO QALAB CASRI AH EE KU TABABARTAAN

0
Wednesday April 27, 2016 - 16:00:41 in Ciyaaro by Mustaf Xuseen
  • Visits: 5903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA XOOGA DALKA OO BALAN QAADEY IN KOOXDA HORSEED LOO KEENI DOONO QALAB CASRI AH EE KU TABABARTAAN

    Kulanka ayaa waxaa ugu horeeyntii warbixin sida ay kooxda ku socoto iyo marxaladeeda ka warbixiyey Gen.C/laahi Maxamed Ceynte oo ah Gudoomiyaha Daladda Naadiga Horseed,isagoo halkaa ka sheegey in kooxda horseed ay hada tahay kooxaha laga cabsado maad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa waxaa ugu horeeyntii warbixin sida ay kooxda ku socoto iyo marxaladeeda ka warbixiyey Gen.C/laahi Maxamed Ceynte oo ah Gudoomiyaha Daladda Naadiga Horseed,isagoo halkaa ka sheegey in kooxda horseed ay hada tahay kooxaha laga cabsado maadamada sanadkaan gudihiisa laba koob waa weyn ay qaadey waxa uuna raja wanagsan ka muujiyay kulanka maalinta jimcaha ay la dheeli doonaan kooxda Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Cirka S/guuto Duuliye Maxamuud dable Beyloote oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey awoodii ay HORSEED lahayd beri samaadkii iyo sida looga cabsan jirey,isagoo xusey in mudo sanad ah uu isagu Madax ka ahaa Naadiga Horseed Dowladii dhexe,wuxuuna carabka ku adkeeyey in kooxda loo dhameestiro tabarada iyo siminaarada.

Abaan duulalaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya S/Guuto Ali Baashi Xaaji Maxamed ayaa balan qaadey in kooxda ay ka taageridoonaan xaga mooralka ciyaartooyda isagoona tilmaamey in xidigo taya wanagsan kusoo dari doonaan naadiga .

Ugu danbeyntii waxaa hadalka qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed oo sheegay iney waajib tahay in HORSEED ay gaarto ama ay ka saremarto sidii ay ahaan jirey beri-samaadkii,isagoo xusey in dhaqaale wixii la awoodo iminka ay gacan ka siidoonaan,wuxuuna kula dar daarmey maamulka gacanta ku haya naadiga iney iyaga ka fekeraan ama keenaan ciyaaryahano tayo wanaagsan leh,maadaama ay iyagu farsamadii kooxada ay hayaan.

Kooxda kubada cagta ee horseed ayaa hada ku jirta kaalinta 6 aad waxa ayna heesataa 20 dhibcood iyadoona maalinta jimcaha wajihi doonto kooxda Banaadir S’C



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip