Taariikh Nololeedkii Allaha u Naxariistee S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani

0
Saturday April 09, 2016 - 13:40:08 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 8952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Allaha u Naxariistee S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani

    Allaha u naxariistee S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku dhashay magaalada Dh/mareeb ee Gobolka Galgaduud, sannadkii 1943 Waxbarashada dugsiga Sare ka dib wuxuu noqday Layli Sarkaal ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku dhashay magaalada Dh/mareeb ee Gobolka Galgaduud, sannadkii 1943 Waxbarashada dugsiga Sare ka dib wuxuu noqday Layli Sarkaal ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxa uu waxbarashada xagga ciidanka ah  ku soo qaatay Dalka Talyaaniga, Kulliyadda Ciidamada ee Modena,   ka dibna wuxuu tababarro iyo aqoon ciidan oo kala duwan ka soo qaatay dalkii lagu magacaabi jiray Midowga Sofiyeeti, iyo  Mareykanka. 
Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Guutooyin Gaasas iyo Qaybtii 26aad C.X.D Soomaaliyeed ee Gobolka  Waqooyi Galbeed. Wuxuu kaloo madax ka soo noqday Hoggaamada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga. 
Waxa uu qabtay oo uu noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Beeraha iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barre. Isla xilligaas, Gen Maxamed Xaashi Gaani wuxuu xubin ka ahaa Golihii Shacka Qaranka- sanadihii 1985-1990. 
Gen,Maxamed Xaashi Gaani Burburka dalka ka dhacay wuxuu ku noolaa magaalada Nairobi, wuxuuna ka qaybgalay shirarkii nabadraadinta Soomaalida, isagoo xildhibaan loogu doortay Golihii Shacbiga ee lagu soo dhisay magaalada Carta, ee dalka Jabuuti, Sannadkii 2000.
Dhowaan markii Golaha Baarlamaanka  lagu dhisay shirka Nabadraadinta ee Mbigaati, Gen,Maxamed Xaashi Gaani wuxuu noqday Mudane Barlamaan, wuxuuna 21 Sebtember 2004tii isku sharaxay jagada Guddoomiye ku xigeenka Barlaamaanka. 
Halkaas oo isaga iyo Prof. Maxamed Cumar Dalxa ay u wada tartamayeen xikaasi, waxa uuna Gen,Maxamed Xaashi Gaani uu helay codadka 96 Mudane, laakiin waxaa Jagada ku guuleystey Prof. Maxamed Cumar Dalxa. markii looga guuleystay  tartanka waxa uu Gen,Maxamed Xaashi Gaani u hambalyeey Prof. Maxamed Cumar Dalxa kana ballan-qaaday in ay wada shaqayn doonan. 
Gen,Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ahaa nin lagu yaqaan dibishiliin, wadaninimo iyo hal-adeyg, waxa uuna ku geeriyooday dalka Kenya xilli lagu guda jiray dib u abaabulida dhismo dawlad qaran, oo uu shir uga sogsay Wadanka Kenya ee magaalada Mbigaati, 15-Oktoobar sanadkii 2002 ilaa iyo 18-kii Oktoobar sanadkii 2004, 
Allaha u naxariistee Gen,Maxamed Xaashi Gaani waxa uu ku geeriyooday magaalada Mbigaati,ee Dalka Kenya 18-kii Oktoobar sanadkii 2004 Meydkii marxuun Gen,Maxamed Xaashi Gaani Waxaana lagu aasay Qabuuraha Shariif Shanyaalaw Ee magaalada Kismaayo Waxa uuna ifka  ka tegay Xaas iyo lix caruur ah, oo ka kooban 3 wiil iyo 3 gabdhood. 

Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip